Qolka guurka allah awgiis la isku barto

Tarbiyadu  ama Barbaarintu waxay leedahay qaybo
kala duwan waxaa jirta tarbiyad iimaanka lagu tarbiyeeyo ilmaha mid
akhlaaq ahaan lagu tarbiyeeyo akhlaaqda wanaagsan ayadoo rasuulka
csw uu tusaale inoogu filanyahay tarbiyad jidhka ahaan iyo tarbiyad
caqli ahaan loo tarbiyeeyo iyo tarbiyad bulsha ama dhaqanka dadka
lagula dhaqmaayo iyo waxyaabala la midka ah
waxaa lagama maarmaan ah in aan fahano tarbiyada in aysan ahayn
tarbiyad jidhka oo kaliya ah mana aha mid ku salaysan in ilmaha la
baro waxyaabo akhlaaqiyaad iyo adaab ah oo yar way ka badantahay
sidaasi wayna ka balaadhantahay Tarbiyada caruurta waxaa ka mid ah
ayadoo la doorto lamaane fiican oo wanaagsan rag iyo dumarba waana
bilowga ugu horeeya ee tarbiyada ubadka in la doorto qof wanaagsan
oo saalix ah waxaa jira xathiiskii rasuulka csw uu kulahaa (kii aad
ka raali noqotaan khuluqiisa ama dabeecad wanaagiisa iyo diintiisa
u guuriya gabadhiina )mida kale waxaa ka mid ah ayadoo lagu bilaabo
magaca allah iyo ducadii rasuulka marka labada ruux ay
(jimaacayaan) ama isku galmoonayaan .
 
 
Labada waalid oo ka ilaaliya caruurta habaarka uguna duceeya mar
walba wanaaga iyo toosnaanta sidii ay sameen jireen anbiyada allah
iyo rusushuba iyo ayadoo loo bixiyo ama loo dooro ilmaha yar magac
wanaagsan
ayada oo aan ilmaha yar lagaga cabsiin sida Jinka ama madawga ama
tuuga gaar ahaan markuu ooyaayo .
 
 
In aan ilmaha yar lagu hor xaqirin ama yaraysan ama lagu hor caayin
gaar ahaan walaalihiis asxaabtiisa iyo qaraabadiisa
ayadoo aan loogu yeedhin ilmaha yar magacyada xun xun ama ficilada
xun xun sida doqonyahoow tuugyahoow beenaalayahoow nacasyahoow
i.w.m
ayadoo waxii wanaagsan loogu sheegaayo loogana celinaayo waxa xun
si dagan oo naxariisi kujirto iyo in aan ilmaha si xun loo ciqaabin
marka uu qaldamo ama uguba horaysa qaladka .
 
 
In la dareensiiyo ilmaha yar ama caruurta dhexdooda sinaan iyo
jacayl farabadan oo dhexdooda laga yeelo si ayna isku xaasidin
ilmaha yar oo ka ka wayn la jeclaysiiyo oo marka kan yar wax loo
soo iibiyo asna wax loo keeno ama la kaxeeyo oo lagu yidhaa hooyo u
iibi walaalkaa oo u door bidabka aad la jeclaato si uu u dareemo
jacayl farabadan oo dhexdooda ka dhasha uuna kabihiisa uuga qaato
meesha xaasid iyo nacayb .
in ilmaha yar la baro dharka diinta islaamka oo loo diido gabdhaha
ugu badnaan markay gaadhaan 7sano sida sirwaalka iyo waxi la mid ah
oo ah tashabuh ama isku eekaysiin.
 
 
In caruurta loo kala duwo qololka hurdada wiil iyo gabadhba markay
gaadhaan ugu badnaan 7sano
in la baro ilmaha yar in uu ka idan dalbado waalidkiis wax walba
gaar ahaan qolka hurdada
hadii ay dhacdo in uu ilmaha yar la seexdo hooyadii iyo aabihii waa
in ay si xoogan uga ilaaliyaan in uu arko ayagoo jimaacaya haba
yaraado ilmuhuye .
in ayna hooyda ilmaheeda hortiisa la imaanin dhar aan asturayn
jidhkeeda oo ay muuqdaan cawrada hana barto in ayna caruurteeda
xidhanin hablaha ah.
ilmaha yar in la baro inuu indhihisa laabo
in aanu arag walaashiis ama ayna arag walaalkeed oo xamaamka ku
jira in ayna wada galin xamaamka labadoodu .
 
 
In ayna cawradooda qaawin oo ayna is arkin labada dhinacba
in aan lo ogolaan ilmaha yar in uu u galo aroosyada ama suuqa
dumarka hadii uu yahay Lab
in aan loo ogolaan in uu ilmaha yar daawado filimada qaa qaawan ama
jaraaidada ay ku sawiranyihin amaba qisooyinka jacaylka
in iimaanka iyo diinta la baro ilmaha yar sida
in uu barto arkaanta iimaanka arkaanta islaamka in ay jirto
waxyaabo qaaib ah sida qabriga namcadiisa iyo cadaabkiisaba iyo in
ay jirto jano iyo Naar
iyo in aad u sheegto wax walba oo koonkan yaal in uu jiro rabi ka
taliya iskana leh oo mulkiilaha dhulka iyo samooyinka iyo waxa ku
nool iyo dhamaan wax aduunka saaran in uu rabi iska leeyahay.
 
 
In uujiro qadar wax walba oo dhaca aduunkana uu rabi qadaray
bada iyo bariga buuraha iyo xayawanaadka iyo dhamaan waxa dhulka
saarayn inuu rabi raxmaan abuuray waa in aad u sheegtaa ilmahaaga
yar oo uu ku tadaburaa mar walba
in aad ilmahaaga yar barto quraanka iyo adkaarta iyo salaadaha iyo
xusida allah mar walba iyo khushuuca .
in aad uga digto wax walba oo xun aadna ku tarbiyayso in uu wax
walba oo uu qabanaayo rabi oga cabsado naftiisa .
 
 
Iyo inuu ku shukriyo ama u mahad celiyo allah uuna ka baqo mar
walba ciqaabta allah.
in uu ilmahaaga ugu badnaan uu noqdo mid xaafidsan qur`aanka
kariimka ah 7sano marku jiro.
in aad gayso jeclaysiiso mar walba in uu soo eego oo uu ku soo
tadaburo qubuuraha iyo dhakhaatiirta .
ku tarbiyaynta ilmaha yar akhlaaqda wanaagsan iyo ixtiraamka dadka
kale
in aad ku rabiyayso ilmahaaga runta iyo amaanada iyo taakulaynta ka
baahan ama wax u qabadka qofka baahan
iyo inuu ixtiraamo soona dhaweeyo martida iyo dhamaan dhaqanka
wanaagsan oodhan.
 
 
 
In aad ka dheerayso kuna tarbiyayso in uu ka dheeraado akhlaaqaadka
xun xun sida beenta cayda iyo ku hadalka dhamaan hadalada xun
xun
in aad u akhrido ilmahaaga yar mar walba qisooyinki dadkii
wanaagsanaa iyo axaadiista rasuulka csw ee qisaska iyo tusaalaha
xambaarsan .
in uuna hor socon waalidkis in aanu ugu yeedhin magacyadooda oo
ahayn Aaabo Iyo Hooyo in aanu ka hor fadhiisan ilmuhu waalidkiis oo
taagan in ay ku tarbiyeeyaan ilmaha yar inuuna ku qaylin waalidka
in uuna khilaafin amarkooda in uuna ka hor bilaabin cuntada
waalidkiisa in uu u yeedho asagoo aan hadalka kor ugu qaadayn si
naxariis leh oo aanu marnaba hortooda hadalkiisa kor ugu qaadin in
aanu hadalka ku jarin waalidkiisa oo hadlaaya in aanu bixin ilmaha
yar asago aan ka idan dalban waalidkiis waa in aanu ilmaha yar
kicinin waalidkiisa oo hurda oo aanu ka dhex galin hurdada .
in ilmaha la baro siduu u ixtiraami lahaa jaarkiisa ehelkiisa
asxaabtiisa macalinkiisa i.w.m.
 
 
 
In la baro ilmaha yar adaabta cuntada loo cuno adaabta marka meel
dad waa wayn jogaan la fadhiyo adaabta salaanta adaabta meel walba
oo uu joogo in uu ku joogo adaab iyo ixtiraam
in ilmaha yar la baro in uu xumaanta reebo wanaagana dadka faro
waxii xaq ahna uuna ka xishoon kana baqan.
in lagu daro madarasad wanaagsan asxaabtiisana laga dhigo kuwa
wanaagsan oo wanaaga u horseeda marka uu siibtana celin kara oo u
caqli celin kara ilmaha
 
 
In aad ilmaha ku tarbiyayso in uu ku kalsoonaado naftiisa oo u
noqdo geesi iyo daacadnimada iyo mushaarakada wax walba oo
wanaagsan si uunaftiisa ugu kalsoonaado markuu waynaadana uu wax
walba ula xalin karo umadiisa lana baro in uu rayi keeni karo waxna
uu la qaybsan karo dadka se in lagu qanco rayigiisa ayna ahayn
qasab
 
 
In labaro ilmaha wax walba oo wanaagsan in uu u huro umada islaamka
asagoo ajarkana allah agtiisa ka sugaaya.
in la baro in uu is celin karo marka uu cadhoodo hadii uu yaryahay
si uuna ugu noqon caado cadho badan.
in laga celiyo ilmaha music iyo heesaha maqalkooda in la baro
badalkooda gabayada diiniga ah iyo nashiidooyina diiniga ah
iyo in uu ku buuxiyo wax walba oo wanaagsan wakhtigiisa firaaqada
sida akhrinta kutubta fikriga ah ama diiniga ah ama gabayda ama
taariikhada umada i.w.m
 
 
In uu doorto saaxiibo wanaagsan oo diin u saaxiib ah .
in aad barto ilmahaaga siiradii Nabiga ( csw) iyo qasooyinkii dadka
wan wanaagsan iyo akhrinta shareecada islaamka iyo dhaqanka
wanaagsan .
in ilmahaga ah wiilka aad barto waxyaaba diinta looga baahanyahay
ee marka uu qaan gaadho uu isku arko ilmaha sida (ixtilaamka)
hooyadu waa in ay barto gabadheeda markay gaadho wakhtiga
qaangaadhka .waxyaabaha ay isku arki doonto sida xaydka (dhiiga
caadada ) si ayna u samayn qaladaad ama gafaf xaga diinta ah
.
in aad oga digto ilmaha yar in aanu la fadhisan ama ku darsamin
gaalada iyo cadawga allah .
 
 
 
Ilmaha yar oo la baro in uu mar walba diinta horu markeeda ku
fakaro iyo difaaca diinta
in ilmaha la baro ilaalinta wakhtiga iyo ka faaidaysigiisa .
bar oo ku tarbiyee in uu kugu kalsoonaado ilmahaagu oo uu kaa
dhigto saaxiib uu wax walba u sheegto oo uu la tashado
ilmahaaga la fadhiso oo la sheekayso oo dareensii in aad ugu hami
wayntahay una jeceshahay dareensii in uu yahay qof jira oo aad
tirsanayso agtaadana qiimo wayn ku leh,
 
 
Ha ku qasbin ilmahaaga waxa aad adigu jeceshahay ee aad ka shaqayso
tusaale ahaan in aad adigu askari tahay oo isna aad ku qasabtid
laazim in uu noqdo askari waa in aad gayso waxa uu jecelyahay oo
aad bartaa waxa nafsadiisu jeceshahay in uu noqdo .
ha ka baqadsiin ilmaha in uu mustaqbalkiisa xuman doono u sheeg oo
kali ah in uu dadaalo uuna gaadhi karo meel walba oo uu hiigsado
hadaf walba oo uu niyeeyo kuna dadaalo u sheeg oo uga sheekee
dadkii dadaalay ee meel sare gaadhay dareensii in ayna waxba
dheerayn oo 9bilood ay ku wada dhasheen inta naftiisa ruux iyo
jismiba ku taalna ay ka midaysanyihin oo ayna waxba dheerayn in ay
dadaaleen mooyaane oo ay isticmaleen karti iyo maskax rabi siiyay
swt.
 
 
 
Waxyaabahaas aan soo sheegnay oo dhan waxaa lagu gaadhi karaa
ku dayasho wanaagsan taas oo ah ta ugu muhiimsan uguna wayn oo
ta`siir ku yeelanaysa taas oo ah labada waalid oo uu ilmaha eegaayo
kagana qaadan ogyahay waxuu arkaayo waxu maqlaayo ama ay u
sheegayaan hadii uu arko ilmaha yar waalidkiiisii oo wax u
sheegaaya misana asagii waxii uu ka celinaayay samaynaaya sideebuu
uuga celin karaa ilmaha yar wax uu asagii waynaa ee tusaalaha u
ahaa ilmaha uu hortiisa iyo dhabarkiisaba ka samaynaayo sow ma aha
waalidku in uu tusaale wacan u noqdo ilmaha uu rabo in uu si
wanaagsan u tarbiyeeyo una soo saaro .
 
 
 
Tusaale ahaan in markaad maqasho adaanka aad dhakhso kacdo
waysasato u kacdo xaga salaada ayagana aad gacanta qabatid .
tusaale ahaan adigoo telephone ku soo dhacay oo aad tidhaa aabo ama
hooyo qabo telephoneka oo ku dheh ma joogo taas waa been aad
baraysid ilmihii intaasna waxaad ku leedahay been ha sheegin
walciyaadu billaah.
tusaale waxaa u ah ubadka waalidkood oo ka celin kara wax walba iyo
macalinka waxaad arkaysaa macalin leh sigaarka waa cudur waxaa laga
qadaa cuduro xun xun oo inyar haduu joogo wuuba shidayaa
subxanllaah.
waa in aad ilmaha adigu u noqoto tusaale iyo hadaf ay hiigsadaan oo
ay kaa bartaan waxa wanaagsan wax walboo aad u sheegaysana ay adiga
kaa muuqataa oo aad samaysaa hadii kale waxaa soo bixi sidaad rabto
caksigeeda waxaanan kugu cadaan aayada kujirta suuratu (Saf) maxaad
u odhanaysaan wax aydaan samayn .
 
 
Hadii qawlkaaga iyo ficilkaagu is dhaafaan waxaa so baxaysa caksi
waxii aad doonaysay in ay ku soo baxaan .
intaas waxaan ku soo gaba gabaynayaa oo aanay fari ka qodnayn
ilmaha yar iyo aasaaska nolosha ilmaha iyo waxyaabaha laga rabo
waalidka in uu u hormariyo ilmihisa uu rabo in uu u noqdo tusaale
wanaagsan kuna guleesto wax walba oo wanaagsan .
                                                            
By  drs farduus abdirahman ibrahim

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *